Posts

Showing posts from 2018

C/malik muse coldoon o ka soo jibo keenay somaliwayn

Image
Naciimaay , Calanka aad jeceshahay cadaalad waxa ka waayey Qalbidhagax , oo u soo halgamay , kuna waayey qaar ka mida ah ehelkiisa, abaalkiisiina waxa uu noqday in la dafiro muwaadinimadiisa , oo waxa lagu xalaalaystay dhiibistiisa waa itoobiyaan, sidaana loogu gacan-galiyey taliskii uu iyaga ugula colloobay calankaas, iyada oo ay jiraan qaar ka mid ah madaxda sarsare ee ee dawlada fadaraalka soomaaliya wataan dhalashada itoobiya , xilalna halkaas ka soo qabtay. Naciimaay , midnimada aad jeceshay waxa lagaga hor-tagey maalintii loo soo dhoofiyey Muqdisho nidaamka fedaraaka ah ee u jeedkiisu ahaa kala kala jarjaris , maamulgoboleedadan aad arkaysaana , ma aha wax kale ee waa kuwoo loo carbinayo in ay noqdoon jamhuuriyado gadaal gooni’isu taagooda ku dhawaaqi doona , iminkaba waad u jeedaa in u eegyihiin kuwo iska madax banaan oo aan la talo ahayn dawladda dhexe , faraha hore ayey ku taaganyihiin , waxa ay sugayaan siidhiga afka loogu hayo . Naciimaay , soomaali wali waa beelo l...