Posts

Showing posts from 2023

Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!

Image
Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!. Waxa uu ku qoray Qoraaga reer Bakistaan ee Mirsa Adiib, Kitaabkiisa Misbaax, Sheeko cajiib ah,  wuxuuna yidhi: " Lixdameeyadii, ayaan Delhi shaqo u tagay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka dagay bas, ka dib jeebkayga ayaan baadhay anoo dareemay in la i xaday. Lacagta la igala baxay waxa ay ahayd 9 rubbi oo qudha iyo warqad yar oo aan u qoray hooyaday, anoo ku leh ‘‘Hooyaday naxariis badaneey shaqadii waa la iga eryay, markaas bishan kuuma soo diri karo 50-kii rubbi ee biilka ahaa’’. Warqadda ayaan jeebka ku riday 3 cisho ka hor, anoo damacsanaa in aan diro marka aan helo lacagtii boostada. 9-ka rubbi ee la iga xaday wax badan ma ahayn, balse qof shaqadii laga eryay sagaal kun ayaa ay ugu dhigmaysay. Maalmihii ayaa is guray aniga oo aan warqad hooyaday u dirin, balse waxa ka soo hor martay warqad iyada dhankeeda ka timi. Waan naxay! aniga oo sawiranaya in ay lacagtii raagsatay aan u diri jiray, igana warsa...

Wa maxay xidhiidhka ka dhexeeya wasiir maxamed kaahin iyo reer sool

Image
 Maxaad ka  ogtahay Xidhiidhka soo jireenka ah ee qotoda dheer ee u dhexeeya Maxamed Kaahin iyo Reer Laascaanood ? "  Raggayagan halkan fadhiya ee Xaaji Cabdi-Waraabe, Suldaan  Muuse Jaamac Goodaad, Suldaan Rashiid iyo Salaadiinta kale rag Xabad la rido ku tagaya ma nihihe hadaad doontaan na laaya oo ilaa Hargeysa aan garabka isku qaadanee" Muj Maxamed Kaahin  ( Adhicadeeye 2004). Wax yar ka dib Qorigii laga dul riday iyo ninkii Xabada riday ayaa geedka lagu hoos shirayay la keenay, oo Qorigiina Xaal ahaan loo siiyay madashii, waxaana Qorigii guddoomay Suldaanka Guud ee Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo ka mid ahaa Salaadiinta meesha fadhiyay. Shirka waxaa hadalka u qaybinayay Marxuum Fuaad Aadan Cadde Allah ha u naxariistee. Waxa madasha ka socotay dood adag oo laba dhinac ah, dhinac waxa ahaayeen Guurti iyo Salaadiin uu Madaxweyne Rayaale usoo diray deminta colaad lagu riiqday oo u dhaxaysay beelaha Fiqishini iyo Reer Cilmi/Dhulbahante, dhi...