Posts

Showing posts from February, 2023

Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!

Image
Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!. Waxa uu ku qoray Qoraaga reer Bakistaan ee Mirsa Adiib, Kitaabkiisa Misbaax, Sheeko cajiib ah,  wuxuuna yidhi: " Lixdameeyadii, ayaan Delhi shaqo u tagay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka dagay bas, ka dib jeebkayga ayaan baadhay anoo dareemay in la i xaday. Lacagta la igala baxay waxa ay ahayd 9 rubbi oo qudha iyo warqad yar oo aan u qoray hooyaday, anoo ku leh ‘‘Hooyaday naxariis badaneey shaqadii waa la iga eryay, markaas bishan kuuma soo diri karo 50-kii rubbi ee biilka ahaa’’. Warqadda ayaan jeebka ku riday 3 cisho ka hor, anoo damacsanaa in aan diro marka aan helo lacagtii boostada. 9-ka rubbi ee la iga xaday wax badan ma ahayn, balse qof shaqadii laga eryay sagaal kun ayaa ay ugu dhigmaysay. Maalmihii ayaa is guray aniga oo aan warqad hooyaday u dirin, balse waxa ka soo hor martay warqad iyada dhankeeda ka timi. Waan naxay! aniga oo sawiranaya in ay lacagtii raagsatay aan u diri jiray, igana warsa...