Posts

Showing posts from October, 2019

Waa kuma Jawar Maxamed ninka kacdoonka ka wada Ethiopia

Image
Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra'isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii. Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra'iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Waa kumaa Jawar? Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga o...

“Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay”

Image
 “Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay” Magacaygu waa Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali),  waxaan muddo 14 sanno ku dhow dhigayay maadada Physics-ka oo aan bare ka ahaa dugsiyada sare ee dalka iyo jaamacadahaba gaar aaan caasimadda Hargaysa. Waxaan ka mida ahay macallimiinta diyaarisay ee tacabka badan galisay qoritaanka buugta manhajka dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan maadada physics-ka. Waxaan ahay Macallin bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo badan, waxa aan soosaaray jiilal badan oo maanta dalka wax ka ah. Waxa aan wax ka dhigaa Dugsiyada sare ee dawladda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba. waxa aan shaqadaydii macallinimo ka bilaabay dugsiga sare ee Gacanlibaax 2005, ilaa imikana aan xiisado ka bixiyaa. Waxaan ahay  dulmane shacabwaynaha somaliland usoo gudbinaya dareen muddaba aan labaaxaa degayay oo aan qarsankari waayay. Tani Waa Qisadaydii Waxaan bishii sagaalaad ee sanadkan isku dayay inaan jago aan ku lahaa de...

YAA FASHILIYAY FADEEXADII WATERGATE?

Image
 FRANK WILLS: 24 JIRKII GALAAFTA KURSIGII MADAXWEYNAHA MARAYKAN Frank Wills waxa uu ahaa waardiye amni oo u dhashay dalka Maraykanka, isaga oo carruur ah ayaa ay kala tageen hooyadii iyo aabihii, waxaana korsatay hooyadii.  Frank oo nolol saboolnimo oo adag ku soo koray fasalka saddexaad ee dugsiga sare ayaa uu kaga dhacay waxbarashada dugsiga, waxa aanu bilaabay farsamada gacanta, gaar ahaan makaaninimada oo uu aad u bartay ka shaqaysiinta mishiinnada aadka u waaweyn. Inkasta oo uu muddo shaqadan ku reeyey, haddana waa uu sii wadi kari waayey, kaddib markii xanuunka xiiqdu ku dhacay, waxa aanu u wareegay magaalada caasimadda ah ee Washington, oo shaqooyin hoose uu ka raadsaday, taas oo ugu dambayntii ku hoggaamisay in uu waardiye ka noqdo huteelka caanka ah ee Watergate. Gaar ahaan qayb ka mid ah oo xafiisyo u ahayd guddiga sare ee xisbiga dimuqraaddiga ee dalka Maraykanka. Habeennimo bisha Juun 17 ahayd sannadkii 1972 kii, ayaa Frank oo sidiisii caadiga ahayd shaqada u...