Collaadda Beer-dooxa ee Deeganka Ceel-Afweyn Qiso xanuun badan
Waa 4:30 galabnimo maalin jimco ah,magaalada burco jawigu wuu degen-yahay, cirka waxa qarisay daruurta oo qorax kululi ma jirto, sida somaalida cadada u ah waxaan usoo qaxwo tagey mid ka mid ah makhaaydaha si aan casariye usoo cabo, waxaan fadhi iyo sheeko la wadaagay qaar kamid asxaab-tayda sheeko iyo qosol badan kadiba, waxaan hortayda ka arkay wiil dhawr jeer oo hore aan ku arkay maqaaxida, wxaan dareemayaa in ay dhibaato haysato , wajigiisa waxa ka muuq-da murugo badan iyo diif anan qiyaasi karin indho-hiisa wa casaan, sawir ahaan waa nin dhalinyaro ah, midab-kiisu wa casaan waa nin dheer oo dhuuban, wuxu xidhan-yahay shaadh cad iyo surwaal buluug ah oo xogaa wasakh ah kaladhkiisa iyo dhabarka xogaa danbe surwaalka xaga hoose ayuu ka dilaacan-yahay wax yar , kabuhu wa sandhal mid ay dhag ka go'day, Timaha iyo gadhku waa ku baxeen, wuxu ahaa nin qurux u dhashay balse duruuf aya sidan ka dhigtay, wiilka taray-ga"shaaha siday ayaa u tagay si uu shaaha ula...