Maxkamad ku taalla Magaalada Jakaarta ee Dalka Indonesia ayaa Sannad kahor waxaa lasoo taagay Maamada ama Hooyada ka muuqata sawirka Hoose iyadoo Gacma-xiran oo lagusoo oogay Fal Xatooyo ah. Waxaa lagu eedeeyay inay Xoogaa Baradho ah ka xaday Goob Ganacsi Maadaama ay Baahneyd aysanna heysan Lacag ay ku iibsato. Ninkii Ganacsiga lahaana wuxuu ku adkeystay in Sharciga la marsiiyo si ay Cibro ugu noqato qof kasta oo ku fikira inuu Baqaarkiisa wax ka xado. Qaadiga Maxkamadda oo Xukunkeeda ka hor aqrinayay Boqolaal qof ayaa isagoo ilmeynaya ku yiri: Hooyo iga raali ahoow, Dadku way simanyihin, cidna kama sareeyso Sharciga, waana ka xumanahay in Maanta lagusooo taagay Maxkamad aan Qaadi ka ahay. Hooyo Maxkamaddu waxay kugu riday Labo Sano iyo Bar oo Xarig ah iyo 73-Dollar oo Ganaax ah oo nooga degan falalka xatooyada ah. Dabeedna Madixiisa ayuu Koofiyad kasoo siibay, wuxuuna ku riday 73-Dollar. Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu yiri: Sidoo kale Maxkamaddu waxay xukuntay in qof ka...