Posts

Showing posts from October, 2017

AAFOYINKI U REEBAY QARAXII ZOOPE

Image
Maamo Faadumo Xuseen Cali Waa naafo Heysata labo Caruur ah oo da,doodu u dhaxeeyso hal sano ilaa 2 sano Saygeeda waxey ku weysay Masiibadi soobe.Mar aan la sheekeeystay waxa ay ii sheegay. Hadalkiisa waxa  iigu danbeeysay Maalinti sabtiga 8:00pm 14 bishan waxa uu igu yiri lacag ayaan kaga Sarifaa sarif yaraha Soobe. mudo ka dib ayaan wacay teleefankiisa waa dansanyahay dareen ayaa igalay ka dibna dib looma daarin.. Labo Maalin ka dib aniga oo quustay jidka ayaan Baabuur u istaagay Si la iigeeyo Xamar. mar uun aan tago Meeshi iigu wardanbeeysay. waana halkan. Ninkeega todobaadki laba maalin ayuu soobe keeni jiray. Caday xurmo xirma ah oo u qeybin jiray ganacsato yar yar .waxaan aheen qoos nolashaas ku faraxsan oo ku nool tuuladda koongo oo 5 Km u jirto Jowhar. Cabdi Ciise Cali ilmaheeyga aabahood Alaha u naxariisto waan ka quustay Nolasheena isaga ayay ku tiirsaneed. oo noo xamaali jiray. Hadana Doowladda Soomaliyeed iyo Ganacsatadda ayaa Ka codsaneeynaa in ay nacaawiyaan....

Culimada magalada Burco oo ka hadashay qaraxii Muqdisho

hoos ka daawo muqaalkan Culimada Burco oo ka hadashay qaraxii Muqdisho

GEERIDA SHEKH JACFAR ABDIRAAN XAFIDKI REER indonesia

Image
waxa maanta geeriyoday qaari'  ahna xaafidki waynaa ee reer indonesia shekh jacfar cabdirqxman shekha ayaa geriyoday waqti uu xaflad ka qayba galaayay isago wakhtigaa akhriyayey surada almulka سوره ملك  {وكان القارئ بدأ بتلاوة الآيات : ” تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ (1) الَّذِي خَلَقَ الْمَوْتَ وَالْحَيَاةَ لِيَبْلُوَكُمْ أَيُّكُمْ أَحْسَنُ عَمَلًا وَهُوَ الْعَزِيزُ الْغَفُورُ (2) wuxu sharaxay aayada الأية ” الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَوَاتٍ طِبَاقًا مَا تَرَى فِي خَلْقِ الرَّحْمَنِ مِنْ تَفَاوُتٍ فَارْجِعِ الْبَصَرَ هَلْ تَرَى مِنْ فُطُورٍ (3)” shekha ayaa markaliya lagu sobooday dhanka wadnaha  isla inyar kadibna wuu geriyada إنالله وإناإليه راجعون  

35 Ka Mid ah Dhaawacyadi Qaraxi Zoobe oo Xalay La Gaaray Turkey

Image
Dhaawacyada 35 ruux oo ka mid ahaa dadki si daran ugu dhaawacmay weerarki Sabtidi hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay fiidkii ka dagay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga. Saraakiil iyo diblamaasiyiin isugu jira Soomaali iyo Turki iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Turkey ayaa uga hortagay garoonki laga soo dajiyay dhaawacyada. Dadki u gurmaday dhaawacyada waxaa ka mid ah Mustaf Maxamed Caadle oo ka mid ah ardayda shahaadada PHD ku diyaarinaysa magaalada Ankara. Wuxuu khadka telefoonka ugu warramay Nur Bukhari. xigasho VOA SOMALI

TURKIGA OO SOMALIA U SO GURMADAY

Image
Dowladda Turkiga ayaa noqotay Dowladdii ugu horreysay ee daawo ugu deeqda Soomaaliya qaraxii Sabtida ka dib. Waxay keentay oo kale 27 isugu jira Dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad. Dayaaradda intaa sidday waxay ahayd dayaarad militeri oo kuwa xamuulka ah. Isla dayaaraddaas ayaa hadda waxaa la saarayaa afartameeyo dhaawac ah oo mid kasta uu la socdo qof ehelkiisa ah. Waxay kale oo ay Dowladda Turkigu soo dirtay Wasiirka Caafimaadka oo isagu hadda indhihiisa ku soo arkaya dhaawaca yaalla Isbitaallada si uu warbixin ugu celiyo Dowladdiisa. x/Q yuusuf graad cumar