Posts

Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!

Image
Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!. Waxa uu ku qoray Qoraaga reer Bakistaan ee Mirsa Adiib, Kitaabkiisa Misbaax, Sheeko cajiib ah,  wuxuuna yidhi: " Lixdameeyadii, ayaan Delhi shaqo u tagay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka dagay bas, ka dib jeebkayga ayaan baadhay anoo dareemay in la i xaday. Lacagta la igala baxay waxa ay ahayd 9 rubbi oo qudha iyo warqad yar oo aan u qoray hooyaday, anoo ku leh ‘‘Hooyaday naxariis badaneey shaqadii waa la iga eryay, markaas bishan kuuma soo diri karo 50-kii rubbi ee biilka ahaa’’. Warqadda ayaan jeebka ku riday 3 cisho ka hor, anoo damacsanaa in aan diro marka aan helo lacagtii boostada. 9-ka rubbi ee la iga xaday wax badan ma ahayn, balse qof shaqadii laga eryay sagaal kun ayaa ay ugu dhigmaysay. Maalmihii ayaa is guray aniga oo aan warqad hooyaday u dirin, balse waxa ka soo hor martay warqad iyada dhankeeda ka timi. Waan naxay! aniga oo sawiranaya in ay lacagtii raagsatay aan u diri jiray, igana warsa...

Wa maxay xidhiidhka ka dhexeeya wasiir maxamed kaahin iyo reer sool

Image
 Maxaad ka  ogtahay Xidhiidhka soo jireenka ah ee qotoda dheer ee u dhexeeya Maxamed Kaahin iyo Reer Laascaanood ? "  Raggayagan halkan fadhiya ee Xaaji Cabdi-Waraabe, Suldaan  Muuse Jaamac Goodaad, Suldaan Rashiid iyo Salaadiinta kale rag Xabad la rido ku tagaya ma nihihe hadaad doontaan na laaya oo ilaa Hargeysa aan garabka isku qaadanee" Muj Maxamed Kaahin  ( Adhicadeeye 2004). Wax yar ka dib Qorigii laga dul riday iyo ninkii Xabada riday ayaa geedka lagu hoos shirayay la keenay, oo Qorigiina Xaal ahaan loo siiyay madashii, waxaana Qorigii guddoomay Suldaanka Guud ee Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo ka mid ahaa Salaadiinta meesha fadhiyay. Shirka waxaa hadalka u qaybinayay Marxuum Fuaad Aadan Cadde Allah ha u naxariistee. Waxa madasha ka socotay dood adag oo laba dhinac ah, dhinac waxa ahaayeen Guurti iyo Salaadiin uu Madaxweyne Rayaale usoo diray deminta colaad lagu riiqday oo u dhaxaysay beelaha Fiqishini iyo Reer Cilmi/Dhulbahante, dhi...

Waa kuma Jawar Maxamed ninka kacdoonka ka wada Ethiopia

Image
Jawar Maxamed ayaa lagu sheegaaa inuu yahay ninki sababta u ahaa inuu isbeddel uu ka dhaca dalka Itoobiya, gaar ahaana inuu is casilo Ra'isal wasaare Dr Hailemariam Desalegn, isaga oo hoggaaminayey mudaharaadyadii Itoobiya ka billawday 2016-kii. Waxaa jiray warar sheegaya inay isaga iyo ra'iisalwasaaraha Itoobiya oo horay xulafo u ahaa ay kala boodeen. Jawar Maxamed ayaa sheegay in xaley lagu soo weeraray gurigiisa oo ku yaal magaalada Addis Ababa kaddib markii la sheegay inay ciidammo amniga ay gaareen gurigiisa. Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin arrintan. Jawaar wuxuu sheegay in ciidammada dowladda ay ilaaladisa ku amreen inay isaga soo baxaan gurigiisa isago aan lagu wargelinin sababta. Wuxuu ku anddoocaday in tallaabadaas looga gollahaa in halis lagu geliyo noloshiisa. Waa kumaa Jawar? Magaciisa oo seddexan waa Jawar Siraaj Maxamed wuxuuna u dhashay qowmiyadda Oromada. Jawar wuxuu 12-ka bisha May 1986, uu ku dhashay magaalada yar ee lagu magacaabo Dumuga o...

“Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay”

Image
 “Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay” Magacaygu waa Maxamed Cismaan Siciid (Maxamed Soomaali),  waxaan muddo 14 sanno ku dhow dhigayay maadada Physics-ka oo aan bare ka ahaa dugsiyada sare ee dalka iyo jaamacadahaba gaar aaan caasimadda Hargaysa. Waxaan ka mida ahay macallimiinta diyaarisay ee tacabka badan galisay qoritaanka buugta manhajka dugsiyada sare ee dalka gaar ahaan maadada physics-ka. Waxaan ahay Macallin bulshada ku dhex leh sharaf iyo karaamo badan, waxa aan soosaaray jiilal badan oo maanta dalka wax ka ah. Waxa aan wax ka dhigaa Dugsiyada sare ee dawladda iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba. waxa aan shaqadaydii macallinimo ka bilaabay dugsiga sare ee Gacanlibaax 2005, ilaa imikana aan xiisado ka bixiyaa. Waxaan ahay  dulmane shacabwaynaha somaliland usoo gudbinaya dareen muddaba aan labaaxaa degayay oo aan qarsankari waayay. Tani Waa Qisadaydii Waxaan bishii sagaalaad ee sanadkan isku dayay inaan jago aan ku lahaa de...

YAA FASHILIYAY FADEEXADII WATERGATE?

Image
 FRANK WILLS: 24 JIRKII GALAAFTA KURSIGII MADAXWEYNAHA MARAYKAN Frank Wills waxa uu ahaa waardiye amni oo u dhashay dalka Maraykanka, isaga oo carruur ah ayaa ay kala tageen hooyadii iyo aabihii, waxaana korsatay hooyadii.  Frank oo nolol saboolnimo oo adag ku soo koray fasalka saddexaad ee dugsiga sare ayaa uu kaga dhacay waxbarashada dugsiga, waxa aanu bilaabay farsamada gacanta, gaar ahaan makaaninimada oo uu aad u bartay ka shaqaysiinta mishiinnada aadka u waaweyn. Inkasta oo uu muddo shaqadan ku reeyey, haddana waa uu sii wadi kari waayey, kaddib markii xanuunka xiiqdu ku dhacay, waxa aanu u wareegay magaalada caasimadda ah ee Washington, oo shaqooyin hoose uu ka raadsaday, taas oo ugu dambayntii ku hoggaamisay in uu waardiye ka noqdo huteelka caanka ah ee Watergate. Gaar ahaan qayb ka mid ah oo xafiisyo u ahayd guddiga sare ee xisbiga dimuqraaddiga ee dalka Maraykanka. Habeennimo bisha Juun 17 ahayd sannadkii 1972 kii, ayaa Frank oo sidiisii caadiga ahayd shaqada u...

Collaadda Beer-dooxa ee Deeganka Ceel-Afweyn Qiso xanuun badan

Image
Waa 4:30 galabnimo maalin jimco ah,magaalada burco jawigu wuu degen-yahay, cirka waxa qarisay daruurta oo qorax kululi ma jirto, sida somaalida cadada u ah waxaan usoo qaxwo tagey mid ka mid ah makhaaydaha si aan casariye  usoo cabo, waxaan fadhi iyo sheeko la wadaagay qaar kamid asxaab-tayda sheeko iyo qosol badan kadiba, waxaan hortayda ka arkay wiil dhawr jeer oo hore aan ku arkay maqaaxida, wxaan dareemayaa in ay dhibaato haysato , wajigiisa waxa ka muuq-da murugo badan iyo diif anan qiyaasi karin  indho-hiisa wa casaan, sawir ahaan waa nin dhalinyaro ah, midab-kiisu wa casaan waa nin dheer  oo dhuuban, wuxu xidhan-yahay shaadh cad iyo surwaal buluug ah oo xogaa wasakh ah  kaladhkiisa iyo dhabarka xogaa danbe surwaalka xaga hoose ayuu ka dilaacan-yahay wax yar , kabuhu wa sandhal mid ay dhag ka go'day,  Timaha iyo gadhku waa ku baxeen, wuxu ahaa nin qurux u dhashay balse duruuf aya sidan ka dhigtay, wiilka taray-ga"shaaha siday ayaa u tagay si uu shaaha ula...

69 maalmod kadib maxaa ku dhacay 33kii nin ee godku ku dumay

Image
Qeybtii Labaad ee ee dhacdadii ka hadleysay macdan qodayaashii godka kusoo dumay Bishii August 5-teedii Sannadkii 2010-kii waxaan ku hakiyey iyadoo mudo Laba usbuuc ama todobaad ah ay godkii ku jireen ragii macdan qodayaasha Reer Chili ay dhacday in isku celcelis ahaan nin walba uu ka lumay culays 20 Pound ah ama 20 kiilo, qaarna socodku dhibay, qaarna maqaarku Lafta ku dhegey, xanuuno kala duwana ay godka ka qaadeen. Halkii ayaan kasii amba qaadayaa Qeybta Sadexaad uguna dambaysa ee la socod wanaagsan walaal. Waxaa dhacday in maalintii 16-naad xabbad Tufaax ah inta Laba loo kala jeexay ayaa jeexna meel la dhigay jeexii kalena waxaa loo qaybiyey 33 dii nin, mid kastana waxaa ku soo aaday cad yar oo cidida Farta le'eg. Mid baa yiri qofka ugu hor dhinta waa in la cuno hilibkiisa si inta nooli ugu sii badbaado. Mid kale ayaa yiri mayee waa inaynu Ninka Reer Bolivia haddeer qalanaa si aynu inteena isku wadanka ahi ee reer ( Chile) aynu u badbaadno. Oday ayaa yiri armay ka fiic...