Wa maxay xidhiidhka ka dhexeeya wasiir maxamed kaahin iyo reer sool

 Maxaad ka  ogtahay Xidhiidhka soo jireenka ah ee qotoda dheer ee u dhexeeya Maxamed Kaahin iyo Reer Laascaanood ?

"  Raggayagan halkan fadhiya ee Xaaji Cabdi-Waraabe, Suldaan  Muuse


Jaamac Goodaad, Suldaan Rashiid iyo Salaadiinta kale rag Xabad la rido ku tagaya ma nihihe hadaad doontaan na laaya oo ilaa Hargeysa aan garabka isku qaadanee" Muj Maxamed Kaahin  ( Adhicadeeye 2004).

Wax yar ka dib Qorigii laga dul riday iyo ninkii Xabada riday ayaa geedka lagu hoos shirayay la keenay, oo Qorigiina Xaal ahaan loo siiyay madashii, waxaana Qorigii guddoomay Suldaanka Guud ee Habarjeclo Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali Muuse oo ka mid ahaa Salaadiinta meesha fadhiyay. Shirka waxaa hadalka u qaybinayay Marxuum Fuaad Aadan Cadde Allah ha u naxariistee.


Waxa madasha ka socotay dood adag oo laba dhinac ah, dhinac waxa ahaayeen Guurti iyo Salaadiin uu Madaxweyne Rayaale usoo diray deminta colaad lagu riiqday oo u dhaxaysay beelaha Fiqishini iyo Reer Cilmi/Dhulbahante, dhinaca kalana waxaa hogaaminayay Marxuum Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo dhawaan geeriyooday.


Xiligaas magaalada Laascaanood waxaa gacanta ku hayay maamulka Puntland.


Xiliyadaasi oo is aarsi badani ka socon jiray Laascaanood gudaheeda iyo nawaaxigeeda hadana Maxamed Kaahin waxa uu si joogto ah u tegi jiray Laascaanood oo  wakhti aad u badan uu gelin jiray Xasiloonida Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool. Xataa isaga oo Mucaarid adag ku ah Xukuumadii Rayaale hadana kamuu baaqsan jirin inuu ka qayb qaato oo uu mar walba raaco ergo kasta oo Laascaanood loo dirayo.


 Mudane Maxamed Kaahin  waxa kale oo uu ka mid ahaa dadkii ururkii SNM ka joojiyay inay Laascaanood weeraraan markii ay SNM qabsatay Gobolada Waqooyi sanadkii 1991 ee ilaa Xuduudka Jabuuti ay qabsadeen, waxaana taasi ay baajisay dhiig badan oo ka dhex quban lahaa ururkii SNM iyo reer Laascaanood.


Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in socdaalkan Nabadeed ee ay Laascaanood ku joogaan wafdiga uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Kaahin inay ku guulaysan doonaan xallinta tabashada reer Sool, soona afjari doonaan dhibtii ka jirtay magaalada Laascaanood maalmihii ina dhaafay. 


Somaliland ha Guulaysto 


Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Comments

Popular posts from this blog

Collaadda Beer-dooxa ee Deeganka Ceel-Afweyn Qiso xanuun badan

“Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay”