Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!
Tuugta Xillalka Haysa Mararka Qaarkood Waxaa Dhaama Tuugta-Jeeb siibka ah!.
Waxa uu ku qoray Qoraaga reer Bakistaan ee Mirsa Adiib, Kitaabkiisa Misbaax, Sheeko cajiib ah,
wuxuuna yidhi: " Lixdameeyadii, ayaan Delhi shaqo u tagay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaan ka dagay bas, ka dib jeebkayga ayaan baadhay anoo dareemay in la i xaday. Lacagta la igala baxay waxa ay ahayd 9 rubbi oo qudha iyo warqad yar oo aan u qoray hooyaday, anoo ku leh ‘‘Hooyaday naxariis badaneey shaqadii waa la iga eryay, markaas bishan kuuma soo diri karo 50-kii rubbi ee biilka ahaa’’. Warqadda ayaan jeebka ku riday 3 cisho ka hor, anoo damacsanaa in aan diro marka aan helo lacagtii boostada. 9-ka rubbi ee la iga xaday wax badan ma ahayn, balse qof shaqadii laga eryay sagaal kun ayaa ay ugu dhigmaysay.
Maalmihii ayaa is guray aniga oo aan warqad hooyaday u dirin, balse waxa ka soo hor martay warqad iyada dhankeeda ka timi. Waan naxay! aniga oo sawiranaya in ay lacagtii raagsatay aan u diri jiray, igana warsanayso waxa dhacay, waan'se fajacay marka aan arkay warqad ay ku qoran tahay mahadnaq iyo duco, hooyadeyna leedahay “Waxa i soo gaadhay kontonkii rubbi ee aad ii soo diri jirtay. Inankaygiyoow wanaagsanidaa, sida aanad lacagta ula habsaamin iyada oo macal shaqadii lagaa eryay. Waxa aan kuugu ducaynayaa waafajin iyo arsaaq balaadhan”.
Maalmo dhawr ah ayaan yaabanaa! Waxa aan is waydiinayay, taloow yaa lacagta diray?! Balse maalmo ka dib waxa i soo gaadhay warqad kale oo ku qoran far dirqi lagu akhrin karo, qofka soo qorayna uu ku leeyahay “Waxa aan ka helay ciwaankaaga warqaddii, waxa aanan ku kordhiyay sagaalkii rubbi ee aan kaa jeeb siibay, koob iyo afartan kale oo aan hore u ururiyay! Waxa aan ku diray lacagtii ciwaankii warqaddu ku socotay, aniga oo adiga iska kaa dhigay. Waxa aan ka fikiray hooyaday iyo hooyadaa, waxa aanan is idhi maxaa ay hooyadaa ugu seexan gaajo iyo calool madhni, ka dib aad u qaadan danbiga inankeedii aad dhacday iyo danbiga islaanta gaajaysan?! Salaantayda ayaan kuu soo diraya, waxa aanan ahay saaxiibkaagii baska kugu jeeb siibee i saamax”.
Marar badan waxa aynu la kulanaa Tuug ka Sharaf iyo Wanaag badan, Qaar badan oo isku sunta halkudhigyo Maqaar saar ah oo aan Xaqiiq ahayn".
W/Q:Maxamed Wardi-haarun.

Comments
Post a Comment