Collaadda Beer-dooxa ee Deeganka Ceel-Afweyn Qiso xanuun badan
Waa 4:30 galabnimo maalin jimco ah,magaalada burco jawigu wuu degen-yahay, cirka waxa qarisay daruurta oo qorax kululi ma jirto, sida somaalida cadada u ah waxaan usoo qaxwo tagey mid ka mid ah makhaaydaha si aan casariye usoo cabo, waxaan fadhi iyo sheeko la wadaagay qaar kamid asxaab-tayda sheeko iyo qosol badan kadiba, waxaan hortayda ka arkay wiil dhawr jeer oo hore aan ku arkay maqaaxida, wxaan dareemayaa in ay dhibaato haysato , wajigiisa waxa ka muuq-da murugo badan iyo diif anan qiyaasi karin indho-hiisa wa casaan, sawir ahaan waa nin dhalinyaro ah, midab-kiisu wa casaan waa nin dheer oo dhuuban, wuxu xidhan-yahay shaadh cad iyo surwaal buluug ah oo xogaa wasakh ah kaladhkiisa iyo dhabarka xogaa danbe surwaalka xaga hoose ayuu ka dilaacan-yahay wax yar , kabuhu wa sandhal mid ay dhag ka go'day, Timaha iyo gadhku waa ku baxeen, wuxu ahaa nin qurux u dhashay balse duruuf aya sidan ka dhigtay, wiilka taray-ga"shaaha siday ayaa u tagay si uu shaaha ula dago balse wuu maqnaa oo wuxu ahaa maqane jooga, mar danbe ayuu isku naxay oo si argagax leh uu shaaha ula degay, dhawr jeer ayuu kabaday oo hadana uu fikir galay , dadka goobta jogaa waxay xidhanyihiin dhar-qurux badan madaama ay jimco tahay waana wada faraxsanyihiin, haa wali wuu mashquulsan-yahay oo waxa hareerihiisa ka dhacaya lama socdo, Ninkii lacagta shaaha gureyay ayaa nala soo istaagay waxaan bixiyay lacag-ta Shaaha ee aniga iyo ninka aan idin sheegayo, isagiina intuu kun shilin soo saray ayuu shaah-lihi ku yidhi nin-kaas ayaa bixiyay shahaaga, dabdeena wuu iso jaleecay , baalashlaha oo ig fadhiyay ayaan ku idhi ninka kabaha baalash u mari " waxaan rabaa inan ogaado dhibta haysta wiilkan dhalinyarda ah, ninkaa hadii aad aragto waxaad ku qiyaasi lahayd nin waalan lkn arintu sidaa maaha ee sheekada ila sii akhri, intaan kursi-gayga qaatay ayan u tagay Salaan kadib waxan idhi barasho wanaagsan walaal, wuxu u eegyahay qof qalbi wacan , wuuna isalaamay kadib ayaan hadlay, waxan u sheegay inaan dareemay inay dhibaato haysto marka saxiib ii waran oo xaladadda ka waran , wuxu yidhi maya dhibi ma jirto, dhawr jeer ayan ku celcel-iyay oo baryay inuu ila wadaago wuxu dareemayo wuu aqblay lkn wuxu iga codsaday inan maqaaxida ka kacno, waan is raacnay oo waxan tagney kaabad cidlo ah ,anigu waxaan iska masaxay kaabada si aan u fadhiisto lkn isagu boodhka ciida ayuu iska dhex fadhiistay arinta oo dareen ahaan i tabatay, indhihiisa ayaa ilmo kasoo qubatay wuxuuna ii igu bilaabay sheekada sidan"
"Magacaygu waa liiban". Waxan ku dhashay Degmada Ceel-afwayn sanakii 1994-tii. Taasi oo gu'gu igu buuxo 25-sano jir. Malcaamada iyo iskuul-kaba waxan ka bilaabay isla degmada lkn Nasiib uma helin inaan dhameeyo dugsiga sare Caqabada ugu wayn ee i hor istaag-tay ayaa ahayd collaada noloshayda sidan u badashey taasi oo iga dhigtay qofka aan maanta ahay. Shalay Ninkan Noocan ah ee noloshu sidan u badashay ma ahayn!. Haa aniga kaliya ima badalin ciil-ka colaadu, ee waxay saamaysay qoys-kayga iyo dadka kale oo badan, qaar-kood wuu galfatay oo waa geeriyoodeen waxay ahayeen saaxibo,ehelo,qaraabo iyo kuwo badan oo la jeclaa..
Hadii aan xuso qoys-ka aan ka dhashay ee reer "Warsame" ah waxay ka kooban yihiin Aabe iyo Hooyo iyo 7-caruur ah oo 5-rag yihiin ,waxa kale oo iyaguna jira 2-walalahay ah oo hooyo dhashay oo aan kala Aabe nahay wa Curadka hooyaday Ee " kayse" iyo walaashay ku xigta Deeqa, walalkay Kayse iyo walaashay deeqa waxay kasoo jeedaan beesha ay Colaadu naga dhaxayso ee aanu Ceel-afwayn wada deganahay ee ay hooyo-na kasoo jeedo oo reer Abtigay ah. Waxa Kale oo gurigeena jooga Habarwadaagay Diiriye oo ay dhashay Habaryartay oo wuu Nalasoo koray ilaa dhalaanimadii oo isaguna kasoo jeeda beesha kale, Sidoo kale Ayeey-day waris oo Aabe dhashay waxay ka dhalatay beesha kale , Haa kani wa taswiirta qoyskeen Hada waad i fahmi kartaa oo sawir ayaad ka haystaa qoyskeena.
Aduun-yada waxaan ugu jeclaa walaalkay Curud "Kayse" Iyo walaashay Deeqa ee hooyo noo dhashay, waxanan iloobi karin Sidii ay noo jeclayeen, noo kolkoolin jireen ,dadka Nooga celin jireen, yaraantii sidii ay noo ciyaarsiin jireen ee jacaylka iyo dareenka walaalnimo lahayd. waxaan xusuustaa sidii walaalkaý Kayse" Gacanta ii qaban jiray markaan iskuulka ku socono ee ay hooyo Nusasaaca-ha tukaankii abokor Nooga siinjir-tay. Wuu i jeclaa oo hooyo marka ay idisho wuu iga celinjiray oo mar-mar xanaaqi jiray isagoo leh Maxaa loo dilayaa wiilka yar, dhamaan waan jeclayn walaalkayo oo noogu waynaa.
Markii ay Collaadu bilaabantay walaalkay wuxu ahaa fasalka 4-ee dugsiga sare, aniguna waxan ahaa fasalka 2aad ee dugsiga sare, walalkay wuxuu ahaa nin waxbarashada ku fiican oo geesi ah , anaga oo ka yar-yar cidii sare Nooma eegi jirin oo magaciisa ayan ku daaqi jirnay (sida awrka baar-qabka ah, qooqiisa geeliisu ugu daaqo)oo waxa la i odhan jiray waa "shoodhe "Kayse".cidi sare nooma eegi jirin
Markii ay colaadu xumaatay hooyo ayaa gurigeena ka kaxaysay walaalkay Kayse iyada cabsi ka qabta "in Aano qabiil loo dilo".subaxii khamiista ayuu walaalkeen shanda-diisa ka xidhxidhay hooygii uu ku barbaarey iyo walaalihiis uu jeclaa,kadib ayuu albaabkeena ka baxay oo ka huleelay, anigana intay ilmo indho-hayga buuxisay ayaan qolka u cararay oo aan oohin qabsaday.
Duhurkii markii qadadii la gaadhay ayaan tabney maqnaanshaha walaalkeen oo ka murugoonay oo aan waynay farxdii iyo sheekadii walalkeen curad, walashayda Noogu yar "Asma" ayaa oohin qabsatay oo hiq-da gurtay ,markaas aya xataa hooyo indhaheeda ilmo aan ka dareemay kadibna intaan cararay ayan qolka dhexdiisa ka ooyay,
Subaxii xigay walaalkay iskuulka ayaan wada nimi, wuxu iigu yimi fasalkay-ga isaga oo ay ka muuqata hiloowga iyo jacaylka uu ii qabo oo wuu isoo saalamay, hooyo iyo ciyaalka ayuu iga waraystay, kadib wuu baxay anigana intaan is hayn wayay ayaa ilmo iga timi.
Waxaa nakala gaysay Collaada oo cadow ku noqotay walalnimadii . Kadib-na iskuulkii ayaa albaabada loo laabay, magaladana la isuma galo taasi oo sii adkaysay aragtida walaalkeen, kaliya teleefan ayaan ku wada xidhiidhnaa. Isagu ma iman karo dhinacay-ga anaguna ma tagi karna xagiisa,
Dagaal qadhaadh oo dhacay waxa ka dhintay Nin tolka ku qaali ahaa, adeerkay-na ahaa oo magaciisa "xasan" la dhaho, Beesha kale waxa ka dhintay walaalkay Kayse adeerkii jaamac,
Dilka adeerkay ayaan aad ugu tiiraanyood-ay tolkuna waa hub urursadeen aniguna qori ayaan doontay oo dagaal ayaan is diyaariyay, anaga oo koox ah, ayaan dulaan qaad-nay oo waxan is wajahaney koox kale oo beesha kale kasoo jeeda , dagaal qadhaadh oo birta la iska aslay rag-badnina ku dhintay ayaa na dhexmaray, baruuda iyo dhawaqa hub-ka ayaa noqday saqandha dhagahyga buuxisay , waxan arkayaa saxiibo ila socday oo naf-baxaya, waxaan arkaa inadeerkay oo dhawac soo gaadhay oo jibaadaya, ma qiyaasi karo xaladu sida ay u eegtahay, waa sawir fool xun oo anan erayo ku sheeki karin"
Dagaalka markii aan ka noqday ee aan guryo noqonay waxaan maqlay arrin argagax leh, oo sababtay in aan koomo galo, war soo dhacay ayaa la iigu xaqiijiyay geerida walalkay "Kayse" taasi oo lagu sheegay inuu ku dhintay dagaalkii aan ka qayb-galay ee aan cadawga u haystay ee aan 30-xabo oo rasaas ah ku dhameeyay , qaylo ayaan ku dhuftay iyo oohin oo dhulka ayaan isla dhacay waa la i qaqabtay lkn ugu danbayn koomo ayaan galay oo waa suuxay, haa aniga ayaa dilay walaalkay waayo ma ogi in xabadaydu ku dhacday iyo in xabad kale haleeshay
Waxaa baroortu is qabsatay gurigay-gii walaalahay iyo hooya-day oo qaar badani kooma galeen ,aniguna 2-cisho ayaan koomo ku jiray, kadib ayaan koomadii ka baxay aniga oo ku dhawaqaya magaca walaalkay Kayse oo qaylinaya, isama ogi dadkuna waxay aaminsanyihiin inaan waashay markan,
Halkaa marku sheekada marinaayay"Saaxiib-keeni sheekada inoo waday ee Libaan waxa uu bilaabay oohin, markaas ayaan aniguna ilmo qoysay indhahayga oo 2-daqiiqo ayaan sugayay si uu u oohin dhamaysto,
,
Haa markii xaladay-du sidan noqotay waxa la dareemay inaan maskaxiyan caadi ahayn, kadibna burco ayaa la isoo qaaday si cilaaj la ii geeyo, haa waa la i qur'aan saaray xoogaa waa caafimaday, lkn hadana waxaa sidan ii galay waa murugo ,ma seexdo habeenkii oo waan qaylinayaa anigo ku riyoonaya walaalkay ayaan dhahaa " Kayse Kayse walaal kumee"
Cidlada ayaan hada jeclahay oo dadka lama hadlo, xataa reerkay-ga oo hadii la isoo waco oohin ayaan bilabayaa, markaa ilama hadlaan, haa sidan ayaan iskaga jiraa wakhtigaygu waa xili aan ilmay-naayo iyo mar aan isku buuqo,
Akhriste markii ay sheekadu halkaa Libaan" marinayay ayuu oohin galay!!aniguna waraysiga ayaan joojiyay anigoo cabsi ka qaba inuu koomo galo Xaaladiisa darteed.
Kadib fadhiga ayaan ka kacnay libaan waxaan ka codsaday inaan "masaajidka"aadno si aan usoo tukano, waan is raacnay intii aan masjidka kusii soconay wuxu ii sheegay in wehelka kaliya ee uu haystaa ay tahay "salaada" wayso kadib masjidka ayaan galney waxaan ka codsaday inan u dacayno walaalkiis iyo dadkii ku dhintay Collaada in rabi u naxriisto, isagoo ilmaynaya ayuu masjidka galay kadib salaadii ayuu tukaday, markii uu salaamad naqsadey gacamaha ayuu sare u taagey, isaga oo barayaya "Allaah swc",waxan arkayaa inuu indhaha isku hayo ilamadu-na ay ku da'ayso sida dhibicda roobka waxay ku tif leedahay rooga Cas ee masaajidka, markaas ayaan aniguna ilmeeyay oo aan gacamaha rabi u taagay inuu dhibta ka qaado dadka reer Ceel-afwayn iyo Libaan, allahu akbar, kadib saxiib-kay waxaan ka codsaday inuu qalbiga dajiyo ,timahan ku baxayna iska xiiro , wuxuu ii sheegay inuu rabo inuu tabliqiin raaco si uu diinta qalbiga ugu dajisto, wuxuuna ii sheegay inuu cabsi ka qabo inuu waasho oo ay xusuutii ku yartahay, wuxuu ii sheegay inuu dhaafo guriga oo uu mardanbe is arko isagoo cidla maray, wuxu igu yidhi hadal aan ka naxay oo ah, " saaxiib i caawi hadii aan waasho iina soo ducee" inbadan ayaan talo ku waday ,waxan u sheegay inuu rabi qadaray geerida walaalkii uuna sabro noloshiisana uu soo ceshado oo uu ducaysto
sheeka-dani waa qayb kamid ah taxanaha Beer-doox ee aan ka qoray Collaada Ceel-afwayn
Sheekadani waxay ka turjumaysaa wada dhalashada ka dhaxaysa beelahan oo gaadhay in ay naanayso kula baxaan sida"habarlamaan" waa xigto iyo xigaal, xidid iyo dhaleeyo is Beer-dooxay
Waa kaa dhimay oo kugu dhimay, mid waxa uu dilay abtigii,walalkii,habrwadagii,inaabtigii,seedigii, sodagii iyo qaarbo kale
Si aad sheekoyinkii hore een collada ka qorey aad u akhristo Google Gali Ciwaanka sheekooyinkan oo ah "Collaada Beer-doox "
Lawadaag asxbtaada Facebook
Rabi waxan ka barayayna inuu qalbigood burcad isu mariyo oo nabad ka yeelo
Sheekadan waxan u qoray inan dadka xusuusiyo wada dhalashada ka dhaxaysa labdan belood
WQ.Mustafe Axmed Max'd Geedi-xaas
Facebook. Mustafe Ahmed Geedi
WhatsApp number 0659555532
Number-0654385398
Burco-Togdheer

Comments
Post a Comment