Siday ku badbaaden 33kii nin oo u godkii 2300feet ahaa uu ku dumay Q2aad

Qeybtii koowaad ee dhacdadii ka hadleysay macdan qodayaashii godka kusoo dumay Bishii August 5-teedii Sannadkii 2010-kii waxaan ku hakiyey iyadoo raggii reer chili ee macdan qodayaasha ahaa ee uu godka kusoo dumey markii xaalada ay ku xumaatey taladii 33-da nin uu la wareegay nin la yiraahdo Mario Gomez 63 jir ruug cadaa ah oo ku baraarujiyey kooxdaas inay isaga maqlaan maadaama uu xagga da'da ugu weyn yahay.Halkii ayaan kasii amba qaadayaa ee la socod wanaagsan qeybta labaad.

Ninkii Mario Gomez wuxuu raggii weydiiyey yaa caafimaadka wax ka yaqaan, waxaa lahelay nin la yiraahdo Yonni Barrioz 50 jir ah oo aqoonta caafimaad ee uu yaqaaney ay ahayd oo keliya inuu muddo sannad ah uu xanaanaynayey hooyadiis oo waayeel ah loona tababaray inuu xaaladeeda caafimaad ka warqabo waxaana ninkaas loo xilsaaray ka warqabka 33-da nin xaaladooda caafimaad.

Dadaalkii uu ninkaasi muujiyey darteed waxay kooxdu u bixisay oo ninkaas ay ugu magac dareen filim caafimaadka ku saabsanaa oo musasal ahaa kana bixi jirey teleefishinadda Mareykanka oo loo yaqaaney ( Dr. House)

Jose Henriquz 54 jir oo isagu ahaa nin Bible ka wax ka yaqaana oo kiniisadaha ku xirnaa waxay u doorteen wadaadka xagga diinta, baryadda illaahay iyo wacdiga u qaabilsan. Oo illaahay ayaa inoo sheegay in kuwa gaaloobay hadday xaalad geeri u dhow ay wajahaan inay illaahay baryada u keli yeelaan, markuu badbaadiyana ay meeshoodii xumayd ku laabtaan.

Ariel Tacona 29 jir markii magaalada la joogey aad ugu fiicnaa Facebooga, Computarada iyo Smart phonada waxay u xilsaarteen inuu qoro oo uu uruuriyo dhacdo kasta oo wanaagsan, middii xun oo ceeb u soo jiidaysana uusan qorin si qoraalkaas dhimashadooda ka dib haddii la helo ay sumcad ugu noqoto.Nin kalena waxay u doorteen guubaabada kaftanka iyo kicinta si cabsida looga baxo.

Odaygii hogaamiyaha noqday wuxuu magacaabay Laba nin oo askar hore ahaa si ay u noqdaan Booliska cusub ee Dowlada ay godka ku dhex samaysteen, oo waxaa labada Askari amar lagu siiyey in ninkii dhib keena ama amarka qaadan waaya ay xirxiraan.Ninkii markii hore agaasimaha meesha ka ahaa Luiz Urzu waxay u xilsaareen qaybinta cuntada iyo daawooyinka iyo inuu codka iyo talada kooxda uruuriyo.

Godka Dhexdiisa Ceebo Faro Badan Ayaa Ka Dhex Dhacay.

Rag akhyaar ahaa ayaa cabsidii inta ka badatay isku dhex yaacay, qaarbaa kaadida iyo saxarada ceshan waayey, kuwaa catowgooda iyo waawareydooda laga seexan waayey, qaarbaa xaalado sir qarsoon u ahaa dibadda keenay, mid raggaas ka mid ah ayaa ka sheekeeyey inuu saaxiibkiis hebel xaaskiisa u daba mari jirey, mid baa ka sheekeeyey dhowr jeer oo uu saaxiibadiis wax ka xaday, mid baa ka sheekeeyey inuu faro xumeeyey gabar yar oo daris la'ahayd.

Sababta ay uga sheekaynayaan dambiyadoodii waxay ahayd in haddiiba ragga qaarkood nolol dibada ugu baxaan in ay cafis uga dalbaan saaxiibadii ay dunida ku khayaameen.Madaxdii godku waxay go'aamiyeen in wax kasta oo xun oo godkaan dhexdiisa ka dhacay inaan dibadda loola bixin haddiiba la noolaado.Odaygii wuxuu amray in meel la isugu keeno cuntada ay heli karaan oo dhan. Cuntadii waxay noqotay.

Hal Gasac oo kaluunka Salmon ah, Hal Gasac oo Tufaax jarjaran ah, Hal Gasac oo digir ah, 18 Gasac oo kaluunka Tuunada ah, 24 Gasac oo caanaha fadhiya oo la qasto ah oo 8 ka mid ahi waqtigoodii dhacay, 93 baakad oo buskud ah, daawooyin kuwo dhacay u badan,10 Caag oo biyaha musaaxada ah, iyo haan weyn oo biyaha matoorada lagu qaboojiyaa ku jiraan oo Ciid iyo Olyo ka buuxdo oo aan cabitaan loogu talo gelin laakiin hadday dantu khasabto in lacabo lagu khasban yahay.

Maalmihii ugu horeeyey waxaa la qoondeeyey in haddii nin kasta 24-kii saacba Hal mar la siiyo koob biyo ah oo lagu dhex daray nus qaado Tuuna ah si maraq looga dhigto, Laba xabbo oo buskud ah, hal cantuugo oo caano laqasay ah inay cuntadu ku filnaanayso hal usbuuc.Laakiin dhowr maalmood kadib waxaa la ogaaday in godka lagu jiri karo muddo bilooyin ah sidaas darteed rajadii in la badbaado laga qabay ay sii adkaatay.

Laba usbuuc markay godkaas ku jireen isku celcelis nin walba waxaa ka lumay culays 20 Pound ah ama 20 kiilo, qaarbaa socodku dhibay, qaarbaa maqaarku Lafta ku dhegey, xanuuno kala duwan ayey godka ka qaadeen.
Mar kasta dushooda waxay ka maqli jireen mashiinada lagu daloolinayo Buurta ka koreysa, mar kasta oo dhawaaqa mashiinadu istaago ragga farsamo yaqaanada ah ee kor Buurta ka daloolinayaana ay guul daraystaanba kooxda hoose dhimashadaa u soo dhawaata.Waxay soo gaareen in labadii maalmood ba ninkiiba la siiyo xabad buskud ah iyo biyo Ciid iyo Olyo miiran ah.

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybtii Labaad ee warbixintan la soco Beri qeybta Sadexaad oo xiiso badan Insha allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cisman Cabdixalim

Comments

Popular posts from this blog

Wa maxay xidhiidhka ka dhexeeya wasiir maxamed kaahin iyo reer sool

Collaadda Beer-dooxa ee Deeganka Ceel-Afweyn Qiso xanuun badan

“Dhulkaygii waxa loo xayiray Wiil Madaxweyne Muuse Abti U Yahay”