TURKIGA OO SOMALIA U SO GURMADAY
Dowladda Turkiga ayaa noqotay Dowladdii ugu horreysay ee daawo ugu deeqda Soomaaliya qaraxii Sabtida ka dib.
Waxay keentay oo kale 27 isugu jira Dhakhaatiir, kalkaaliyaal iyo shaqaale kale oo caafimaad.
Dayaaradda intaa sidday waxay ahayd dayaarad militeri oo kuwa xamuulka ah.
Isla dayaaraddaas ayaa hadda waxaa la saarayaa afartameeyo dhaawac ah oo mid kasta uu la socdo qof ehelkiisa ah.
Waxay kale oo ay Dowladda Turkigu soo dirtay Wasiirka Caafimaadka oo isagu hadda indhihiisa ku soo arkaya dhaawaca yaalla Isbitaallada si uu warbixin ugu celiyo Dowladdiisa.
x/Q yuusuf graad cumar

Comments
Post a Comment